Saciid Ciise: “Kenya Badda ay Somalia ku qabsatay kuma qadin, waxaana sabab u ah..

Madaxda siyaasadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aankii maxkamadda caddaaladda adduunka ka soo saartay dacwaddii muranka badda ee ay Soomaaliya u gudbisay.

Waxay maxkamadda xukmisay in dhulkii lagu muransanaa badankiisa la siiyo Soomaaliya, halka Kenya ay qeyb yar oo ka mid ah dhulkaas loo xukumay.

Siyaasiyiinta qaar ayaa soo dhoweeyey xukunka Maxkamada, halka qaar kalena ay wax laga xumaado ku tilmaameen in qeyb ka mid ah badda Somalia la siiyo Kenya.

Hogaamiyaha xisbiga dadka Dr. Saciid Ciise Maxamuud ahna musharax u taagan Madaxweynaha Somalia ayaa go’aanka Maxkamada ku sifeeyey mid xaq daro ah, isla markaana aysan jirin guul weyn oo loo dabaaldego.

“Dacwadii Kenya ay badda Soomaaliya ku qabsatay kuma aysan qadin. Kor iyo hoosba waxaa dhacan waa Soomaalida, dad dhacana guul aan dhameyn uma dabaaldegi karaan. Cida mudan dabaaldega waa garyaqaanada labada dal oo mid kasta ku faraxsan yahay inuu guul u soo hooyey dalka uu dacwada ku matelayey” ayuu yiri Prof. Saciid Ciise.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyey iney masuul ka tahay in qeyb ka mid ah badda Somalia loo xukumo Kenya oo uu xusay ineysan xaq u laheyn.

“In qeyb ka mida bada Soomaaliya laga dhaco 2021 waxaa sababta ugu weyn iska leh Farmaajo oo dalka soo gaarsiiyey hogaan la’aan iyo dowlad la’aan, maxaa yeelay xeerarka caalamku waxey qadariyaan dalalka dadkoodu saameynta iyo qiimaha ay ku leeyihiin caalamka, waxaana taas labeeya heshiiskii isafgaradka oo ay gashay dowladii KMG ahayd oo Kenya ay qiilka ugu heshay inuu ahaa marinka furay xalka lagu xeerinayo xeer jajabka” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Dadka.

Prof. Saciid Ciise Waxaa uu aaminsan yahay haddii uusan jiri lahayn heshiiska isfahamka iyo haddii doorashada la filayey February 2021 ay dhici lahayd oo hogaamiye cusub ay Soomaaliya yeelan lahayd in xukunka badda sida uu u dhacay si ka duwan uu u dhici lahaa oo 100% dhulbadeedka loo xukumi lahaa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -